17 siyaasi oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo loo xiray taageeridda ilmaha la iska soo ridayo

0
437

Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ee Congress-ka dalka Mareykanka ayaa la xiray, xilli ay ka qayb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayaan xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay caasimadda wadankaasi ee Washington DC.
Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka la xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhow maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku xaqiijisay xarigeeda.
“Maanta waxa la ii xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa nagula xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan maxkamadda sare ee dalka Mareykaka,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.
Waxaa ay intaasi ku dartay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay carruurta isaga soo ridi karaan.
“Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena dhanka taranka”, ayay raacisay Ilhaan Cumar
Muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa la arkayay Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale oo iska dhigaya sida in garba duub loo xiray islamarkana dibadbax ka dhigaya afafka hore ee maxkamadda sare.
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee sida wayn ugu ololeynaya in dumarka xaq loo siiyo in ay ilmaha iska soo ridaan.
Booliska Mareykanka ayaa dhankooda xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka.