Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa is-rasaaseyn ka dib toogasho ku dilay saddex qof oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falal dambiyeedyada.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay waddada wayn ee Mombasa Road.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in saraakiishu ay ka falcelinayeen xog ay heleen.
Ciidamada ayaa la kulmay tuhmanayaasha xilli ay dhac gaysanayeen.
DCI ayaa intaasi ku dartay in askarta ay eedeysanayaasha ka dalbadeen inay isa soo dhiibaan balse kooxda ayaa ciidamada ammaanka rasaas ku furay taasoo keentay inay ka jawaabaan.
Waaxda dambi baarista ayaa laga soo xigtay in halkaasi lagu dilay saddex ka mid ah eedeysanayaasha halka qaar kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.
Goobta howlgalka laga fuliyay ayay ciidamadu ka soo heleen agab ay ka mid yihiin bastoolad, taleefoonno dhan toddobo , dhubbe iyo kombiyuutar.
Booliska ayaa hadda raadinaya saddex kale oo goobta ka baxsaday.
Meydadka saddexda qof ee ay ciidamadu toogteen ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado.
DETECTIVES RECOVER ONE FIREARM IN SHOOTOUT WITH CITY THUGS
Three armed gangsters were fatally wounded this evening, following a fierce exchange of fire pitting the thugs against DCI detectives.The three miscreants who had just staged a robbery & were headed for another mission pic.twitter.com/NUK6fQxVSS
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 19, 2022
Meanwhile, bodies of the slain thugs are lying at the city mortuary pending identification as detectives pursue the three other criminals who escaped with life threatening injuries.#FichuakwaDCI 0800 722 203
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 19, 2022