Ciidamada Migori oo baaraya meyd laga helay webiga sare

0
311

Saraakiisha booliska ee Awendo ayaa guda galay baaritaano ay ku sameynayaan meydka qof 20 sano jir ah oo maanta laga helay webiga Sare ee degmadaasi.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliska ee Awendo ,Mr.Mathias Pombo.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in kastoo aan la hayn macluumaadka gaarka ah ee dilka haddana in meydka meelo badan laga jarjaray.
Meydka ayaa la dhigay goobta meydadka la geeyo ee isbitaalka RAPCOM iyadoo la filayo in qallin baaritaan ah lagu sameeyo.