DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka Jabuuti

0
552

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hadal ka jeediyay Xarunta baarlamaanka ee dalka Jabuuti.
Waxaa uu golaha xeer dejinta ee wadanka Jabuuti uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo duruufaha ku xeeran.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiyiin kala aragti duwan ay imaan karaan laakiin taariikhda ka dhexeysa labada dal iyo labada dad ee Jabuuti iyo Soomaaliya ay marna beddelmeynin