Qaraxa oo aad u xooggan ayaa jugtiisa laga maqlay Xaafadaha Magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle, waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Waxaa gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weerarray Huteelka Nuur Doob oo ay deggan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in inta badan ay burbureen Dhismayaashii Huteelka iyo Guryihii u dhawaa, sidoo kale ay ku waxyeeloobeen mas’uuliuiin ka tirsan Maamul goboleedka Hirshabeelle.
Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmad Ciise, Wasiirradda wasaaradda Haweenka ee Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka caafimaadka ee maamulkaasi Cabdi Macallin iyo Xildhibaan hore Jeego, iyada oo Isbitaalka Magaalada Jowhar la geeyay dadkaasi.
Huteelka Qaraxa lagu weerarray ayaa ku yaalla meel u dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo farabadan.
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin:Qarax xooggan oo ka dhacay Jowhar iyo mas’uuliyiin ku waxyeeloobay