IEBC oo sheegtay in ay u diyaar garowday doorashooyinka ku celiska ee berri

0
651

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in uu si buuxda isugu diyaariyay maareynta doorashooyin ku celis ah oo berri ka dhacaya deegaannada Matungu, Kabuchai iyo ismaamulka Machakos.
Xilalkan ayaa banaanaaday ka dib markii ay geeriyoodeen xildhibaanadii deegaannadan laga soo doortay.
Dadweynaha Machakos ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo doortaan mas’uul beddelaya senatarkoodii geeriyooday ee Boniface Kabaka.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in shaqaalaheeda ay ku baraarugsan yihiin halista cudurka COVID-19 sidaas awgeedna shacabka ay codkoodu dhiibaan doonaan iyadoo la raacaya tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona sida kala fogaanshaha iyo isticmaalka afsaabka.
Goobaha codbixinta ayaa la geynayaa gacmo nadiifiyaha, agabka lagu baaro heer-kulka jirka iyada oo ay sidoo kale jiri doonaan meelo loogu talagalay gacmo dhaqashada.