Talaalka cudurka COVID-19 oo la gaarsiiyay DRC

0
659

Waxaa gelinkii dambe ee shalay Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC la gaarsiiyay in ka badan 1.7 milyan oo kuuro oo ah tallaalka cudurka Covid-19 ee shirkadda AstraZeneca.
DRC ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee qaaradda ee la soo gaarsiiyay tallaalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Dr Eteni Longondo ayaa sheegay in tallaalka u awood u siinayo inuu badbaadiyo nolosha dadka ku nool wadankaasi islamarkaana ay ku dhiirgelinayaan dadka dhibaatooyinka u nugul inay qaatan talllaalka.
Mashruucan ayaa ha mid tallaalka lagu gaarsiinayo dalalka aan awoodin inay tallaalka soo iibsadaan si uusan ugu ekaan oo kali ah dalalka hormara.
Keenista tallalka ayaa waxaa gacan ka geystay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo dhigeeda QM ee caruurta UNICEF.