DHAGEYSO:Xasan Sh oo ka digay in banaanbaxa ay qorsheeyeen la carqaladeeyo

0
555

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta sida Guddiyada loo Xilsaaray banaanbaxa iyo dhacdadii 19-kii bishii hore.
Waxaa uu Tilmaamay Xasan Sheekh in aysan jirin dad ay dowladda soo abaabushay oo loogu talo galay inay banaanbaxaas ka qeyb-galaan hadii ay tagaana ay carqalad u arkayaan.
Isagoo sheegay in banaanbaxa Midowga Musharixiinta ku dhawaaqeen oo qabsoomi doono Maalinta Sabtida uu yahay midkii ka baaqday 19-kii Bishii hore ayna ku soo bandhigayaan cabashada ay qabaan maadaama uu Dastuurku ogol yahay.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in hadii qof walba uu codkiisa ku cabiri waayo waxa uu qabo ay tahay inaysan jirin dowladnimo iyo bani’aadanimo intaba.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay sheegeeen inay u diyaar garoobayaan Maalinta Sabtida toddobaadkaan in Taalada Daljirka Daahson ee degmada Boondheer Gobolka Banaadir ku qabtaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo dalka inaysan wali wax Doorasho ah ka dhicin