Waxaa qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada dekedda leh ee Mykolaiv ee koonfurta dalka Ukraine.
Waxaa sidatan laga soo xigtay duuqa magaaladaasi Alexander Senkevich.
Waxaa uu dadweynaha magaaladaasi ka codsaday in ay guryahooda ka soo bixin madaama sida uu hadalka u dhigay ay jirto khatar amni.
Qaraxyada halkaasi laga maqlay ayaa sidoo kale dadka deegaanka ay ku baahiyeen baraha bulshada.
Waxaan qaraxyada lagu sheegay ilaa siddeed.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine ay duqeymo ka gaysteen magaalada Mykolaiv, islamarkaana ay weerarradaasi ku dileen ugu yaraan 5 qof oo rayid ah halka waxyeello ay gaarsiiyeen isbitaal iyo sidoo kale dhismayaal dhowr ah oo la deggan yahay, ayuu yiri ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, Kyrylo Tymoshenko.