Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza inuu aqbalo natiijada ka soo bixi doonto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa kalsooni wayn ka muujiyay inuu ku guuleysan doono codeynta guud ee soo socoto.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in William Ruto ay tahay inuusan ku gacan seyrin natiijooyinka cilmi baarista ay sameeyaan shirkadaha darasaadka.
Raila Odinga ayaa xusay in natiijooyinkan ay yihiin kuwa xaqiiq ku saleysan.
Dhanka kale xoghayaha isbeheysiga Azimio ahna xildhibaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa sheegay in William Ruto uunan aqbali doonin haddii laga guuleysto doorashada guud ee soo socoto, madaama uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijooyinka cilmi baarista ay sameeyeen shirkadaha darasaadka.
Shirkadaha darasaadka ayaa sheegeen in Raila uu haatan ugu taageero badan yahay Kenya