DHAGEYSO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay waalidiinta ciidanka ku maqan Ereteria

0
600

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.
Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababarrada ay dalkaasI u joogaan.
Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh mar kale waalidka u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay fulinta ballanqaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

Dhanka kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha J ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyay xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.