Sarkaal ka tirsanaa dowladda hoose ee ismaamulka Homa Bay oo ay xaaskiisa dishay

0
317

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulka Homa Bay ay xaaskiisa toorey ku dishay xilli ay ku sugnaayeen bararka lagu cabo daroogada Khamriga.
Haweeneyda ayaa ninkeeda dishay markii ay is dhaafsadeen ereyo kulul xilli ay wada cabayeen khamri.
Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Charles Okoth Onyango, ayaa da’adiisa lagu sheegay 31 sano jir.
Haweeneyda ayaa la sheegay in xilliga ay dilka gaysaneysay ay sarkhaansaneyd.
Guddoomiye xaafadeedka bartamaha dowlad deegaanka Homa Bay Joshua Ochogo, ayaa laga soo xigtay in xaaska ay ninkeeda ka dalbatay in uu ku wareejiyo teleefoonkiisa gacanta si ay ugu dhex barto farriimo uu u dirayay dad kale.
Waxaa uu Ochogo intaasi ku daray in haweeneyda xilligaasi ku hubeysned mindi islamarkaana ay tooreyda xabadka ka gelisay ninkeeda.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee ismaamulka Homa Bay.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Homa Bay Sammy Koskeyi ayaa xaqiijiyay in haweeneyda dilka gaysatay gacanta lagu dhigay, iyadoona haatan ay baaritaanno socdaan.