Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr.Karanja Kibicho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo ka yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza.
Eedeynta ayaa ahayd in guddoomiye xaafadeedyada loo adeegsanaya in la farageliyo doorashada guud ee sanadkan.
Hasa ahaate Kibicho oo saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe kula kulmay ismaamulka Murang’a, ayaa eedeynta ku sheegay mid aan sal iyo raad lahayn.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdu aynan damacsanayn ama qorsheynayn in lagu shubto natiijada codeynta guud.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka uu la qaatay guddoomiye xaafadeedyada iyo maamulayaasha deegaannada uu ka mid yahay tallaabooyinka caadig ah ee ammaanka lagu sugo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waxyaabaha shirka ka soo baxay ay ka mid tahay in la dardargeliyo tallaabooyinka edbinta ee ku xigeennada guddoomiye xaafadeedyada shaqada laga joojiyay .
Tallaabadan ayuu sheegay inay fududeyn doonto inay sii socdaan adeegyadii mas’uuliyiintan ay dowladda dhexe uga hayeen tuulooyinka.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa madaxda isbeheysiga Kenya Kwanza ku boorriyay inay ololahooda siyaasadeed si deggan u wataan isagoo caddeeyay inuusan xumaato shakhsiyeed u qabin.
Waxaa uu ku celceliyay inuu sii wadaya baaqa uu u diraya dadweynaha ee ku saabsan inay aad uga fiirsadaan musharraxiinta ay u dooranayaan xilalka hoggaanka.
Dhanka kale waxaa uu Karanja Kibicho difaacay guddi uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu awood dastuuri ah soo dhiso guddiga ka shaqeynaya la wareegidda hoggaanka dalka iyo xafiisyada la isku kala beddelo.