DHAGEYSO:Ciidamada dowladda oo laga mamnuucay Liido

0
261

Afhayeenka ciidanka booliska soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo galinkii dambe ee shalay shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ay soo saareen amar ciidamada dowladda looga mamnuucayo aagga xeebta Liido marka laga soo tago saraakiisha halkaasi ka howlgalo.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii dhawaan qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen in shakhsiyaad ku labisan dareeska ciidamada ay dhac u gaysteen.

Waxaa uu dhanka kale bulshada uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay laamaha ammaanka ula shaqeeyeen intii lagu guda jiray wajigii koowaad ee howlgalka amni ee ka dhanka ah burcadda kaasoo laga fulinayay degmooyinka gobolka Banaadir.