Madaxweynaha Sri Lanka oo dalkaasi ka baxay

0
435

Xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka , Ranil Wickremesinghe ayaa xaqiijiyay in madaxweynihii wadankaasi Gotabaya Rajapaksa uu dalka ka baxay.
Waxaa uu aaday wadanka Maldives saacado un ka hor xilligii la qorsheynayay inuu is casilo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka Sri Lanka Mahinda Paya uu shaaciyay in madaxweynaha uu xafiiska banneyn doono maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka July.
Tallaabada uu madaxweynaha Sri Lanka wadanka isaga baxay ayaa imaanaysa iyadoo shacabka ay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayaan inuu xilka ka dego maadaama ay ku eedeynayaan in maamulkiisa uunan la tacaalin dhaqaale xumida jirta.