Orodyahanka asalkiisa Soomaaliga yahay ee Britain Sir Mo Faarax ayaa sheegay in si sharci darro ah lagu geeyay UK isagoo carruur ah islamarkaana lagu qasbay inuu noqdo shaqaale guri markii uu yaraa.
Xiddigan ayaa u sheegay BBC-da in magaca Maxamad Faarax ay u bixiyeen dadkii ka soo qaaday Jabuuti.
Waxaa uu sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.
Waxaa Jabuuti laga soo qaaday isagoo sagaal sano jir ah, iyadoo ay ka soo kaxeysay qof dumar ah oo uusan waligiis la kulmin, wuxuuna sheegay inay ka dhigtay shaqaale u adeega carruurteeda markii ay UK keentay.
“Muddo sannado ah waan qarsanayay, Laakin ma ahan wax muddo dheer la qarsan karo” ayuu yiri orodyahanka.
Maxamad Faarax ayaa hore u sheegay inuu UK ka soo galay dalka Soomaaliya isagoo la socda waalidkiis oo qaxooti ahaa.
Laakiin dukumeentiri ay diyaarisay BBC-da oo qaybo ka mid ah la soo bandhigay ayuu ku sheegay in waalidkiis aysan marnaba imaanin UK, hooyadiis iyo labo walaalo ah oo la dhalatay ay ku nool yihiin beer ku taalla Somaliland.
Aabihiis Cabdi, wuxuu u dhintay xabad ku dhacday markii Mo Faarax uu afar sanno jir ahaa.
Waxaa uu sheegay in markii uu siddeed ama sagaal sano jiray in loo kaxeeyay Jabuuti si uu u la joogo dad qaraabo ay ahaayeen, Waxaa ka dib loo soo duuliyay UK isagoo soo raacay qof dumar ah uusan waligii la kulmin oo aan qaraabo la ahayn.
Waxay u sheegtay inay u wadeyso Yurub si uu ula noolaado qaraabadiisa oo halkaas ku nool, isagoo sheegay inuu ku faraxsanaa safarka.
Haweeneyda soo kaxeysay ayaa u sheegtay isaga in magaciisa la yiraahdo Maxamad, waxay u sameysay dukumiinti been abuur ah oo sawirkiisa lagu dhejiyay magaca Maxamad Faarax.
Markii ay tageen UK, waxay haweeneyda u kaxeysay guri ku yaalla galbeedka London, waxayna ka jeexjeexday warqad ay ku qornaayeen taleefanada waalidkiis.
“Horteyda ayay ku jeexjeexday warqadii aan haystay, waxayna ku ridday qashinka, Waqtigaas waxaan ogaaday inaan dhibaato ku jiro” ayuu yiri Mo Faarax
Sir Mo ayaa sheegay in guriga shaqaale looga dhigay: “Haddii aan rabay cunto, waxay igu qasbi jirtay inaan xanaaneeyo carruurteyda oo aan u qubeeyo, waxay igu dhihi jirtay haddii aad dooneyso inaad qoyskaaga aragto waxba ha oran.
“Inta badan waxaan isku soo xiri jiray suuliga si aan u ooyo.” ayuu sii raaciyay
Sanadihii ugu horreeyay qoyska uu la noolaa uma aysan ogoleyn inuu iskuul aado, markii uu 12 sano jir ahaa ayaa laga diiwaangeliyay Feltham Community Collage isagoo la geeyay fasalka 7-aad.
Shaqaalaha iskuulka waxaa loo sheegay in Sir Mo uu ahaa qaxooti ka yimid Soomaaliya.