Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiisyo kala saxiixday

0
1521

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa goor dhaweyd bayaan is afgarad ah ku kala saxiixdey dalka Eritrea.
Is afgaradka, ayaa waxaa kasoo baxay bayaan, kaas oo lagu sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea ay dano badan wadaagaan.
Qodobbada lagu xusay bayaanka, ayaa waxaa kamid ah:
-Horumarinta xiriirka dadka labada dal
-Adkeynta xiriirka siyaasadda, iyadoo la wada ilaalinayo danaha labada dal
-Ballaarinta iskaashiga dhaqan dhaqaale, iyo horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo kuwa kale
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay maanta caasimadda Asmara ee dalka Eritrea, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bisha July sanadka 2022-ka.