Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan oo xaalad halis ah ku jira ka dib markii goob fagaare ah lagu toogtay

0
323

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa lagu soo warramayaa in la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay goob fagaare ah.
Toogashada ayaa ka dhacdaya magaalada galbeedka ku taalla ee Nara, ee dalka Japan sida ay saraakiishu sheegeen.
Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbada labaad ay uga dhacday dhabarka, taas oo keentay inuu dhulka ku dhaco.
Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay, hasa ahaate xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka, islamarkiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo.
Xaaladiisa ayaa lagu soo warraamayaa in aad u liidato.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka weerarka gaystay la xiray.
Sidoo kale wararku waxay tilmaamayaan in qoriga uu adeegsaday ninka loo malaynayo inuu weerarka gaystay uu yahay qor gacan ku sameys ah.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in qofka weerarka gaystay la rumaysan yahay in uu horraan ka tirsanaa ciidamada difaaca badda ee Japan.