Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay walaaca ay muujinayaan siyaasiyiinta isbeheysiga Azimio la Umoja -One Kenya ee ah in natiijada doorashada guud lagu shuban doono iyadoo warqadaha codeynta laga soo gelinaya xadka ay Kenya la wadaagto dalka Uganda.
Chebukati ayaa cadeeyay in IEBC aynan daabici doonin warqado codbixin oo dheeraad ah.
Waxaa uu ku celceliyay inay soo iibsadeen keliya 22.1 milyan oo warqadood oo u dhiganta tirada codbixiyeyaasha diiwaan gashan.
Qandaraaska lagu soo daabacayo warqadaha codbixinta ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 3.2 bilyan oo shilin sida laga soo xigtay IEBC.
Guddoomiyaha IEBC ayaa intaasi ku daray in doorashadu ay tahay mid aan la faragelin karin maadaama warqadaha codbixinta ay leeyihiin nambarro khaas ah oo lagu garan karo looguna talagalay goob waliba oo ay doorashada guud ka dhacaysa.
Waxaa uu dhanka kale xaqiijiyay in doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay noqon doonto mid natiijada ka soo baxdo lagu kalsoon yahay.
Mr.Chebukati ayaa sheegay in guddiga IEBC uu yahay mid madax bannaan oo aan cidna ka amar qaadan balse ku qasban u hoggaansanka xeerarka dastuuriga ee wadanka.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu Chebukati ka soo saaray digniin ah in madaxda siyaasadeed aynan dadweynaha ku marin habaabin wararka been abuurka ee codeyn natiijadeeda lagu shuban doono.
Guddiga IEBC ayaa musharraxiin gaaraya 16,098 u ansaxiyay inay u tartamaan xilalka kala duwan ee hoggaanka ee doorashada guud.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kastoo ay caqabado jiraan haddana in Kenya ay doorasho guud ka qabsoomi doonto.