Waxaa xukun xabsi oo labo sano iyo Lix bilood ah la saaray Pauline Otieno oo lagu helay dembi ah inay sameysatay shahaado been abuur ah taasoo u suurtagelisay inay shaqo ku hesho.
Haweeneydan ayaa fursad u haysato inay bixiso ganaax lacageed oo dhan 228,698 si aan loo xirin.
Amarkan mid la mid ah ayaa waxaa la dul dhigay Lilian Ochieng oo iyada lagu xukumay xabsi ah Saddex sano iyo Lix bilood ama inay bixiso ganaax lacageed oo gaaraya 271,901.
Maxkamadda ayaa amartay in labaduba ay dib u bixiyaan mushaaraadkii ay ku qaadanayeen shahaadooyin wax barasho oo ay farsameyeen.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in ka hor inta aan si rasmi ah loo howlgelin Pauline iyo Lilian ay muddo siddeed sano ahaayeen shaqaalaha qabto shaqooyinka gacanta ee fudud.
Ka dib markii ay sameysteen shahaadooyin been abuur ah ayaa waxaa u suurtagashay in la dallacsiiyo iyagoo noqday ku xigeennada waaxda soo iibsashada agabka.
EACC ayaa sheegtay inta aan baaritaannada la billaabin ka hor inay xilalkan ku shaqeynayeen muddo labo bilood ah.