Kumannaan qof oo ku barakacay daadadka Australia

0
474

Maamullada gobolka New South Wales ee dalka Australia ayaa soo saaray diginin cusub oo ku saabsan daadad halkaasi ku dhuftay.
In ka badan 85,000 oo qof oo ku nool magaalada Sydney ayaa lagu wargeliyay inay guriyahooda si degdeg ah isaga baxaan ama u diyaar garoobaan in la daadgureeyo.
Guddoomiyaha gobolka New South Wales Dominic Perrottet ayaa sheegay in xaaladda cakrin aynan u muuqan mid mar dhow laga gudbi doono.
Fatahaadaha oo ka dhashay roobab culus oo da’ay ayaa aasay guriyo , waddooyin iyo buundooyin.
Tan iyo markii ay daadadku billowdeen maalmo ka hor, hay’adaha ka falceliya xaaladaha degdegga ah ayaa soo saaray in ka badan 100 amar oo daadgureyn ah.
Ra’iisul wasaaraha Australia ,Anthony Albanese oo maanta booqday meelaha ay saameynta ugu badan soo gaartay ayaa ballanqaaday inay adeegsan doonaan tallaabooyin xal ah oo muddo dheer shaqeynaya.
18-kii bilood ee la soo dhaafay waxaa bariga xeebta Australia laga soo tabiyay dhacdooyin badan oo fatahaado ah.
Xalay waxaa gobolka New South Wales laga fuliyay 21 gurmad samata bixin ah halka ay maanta goobahan ku sugan yihiin in ka badan 1,000 sarkaal oo ka tirsan waaxyaha gurmadka degdegga.
Dowladda dhexe ee Australia ayaa ku dhawaaqday in xaalad musiibo qaran ah ay ka jirto 23 qaybood oo ka mid ah gobolkaasi.