Sarkaal ka tirsan maamulka dekadaha wadanka oo la maxkamadeynaya

0
271

Waxaa la filaya in maanta maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ee Mombasa uu ka soo hormuuqdo sarkaal lagu magacaabo Joseph Patterson Okhako.
Waa howlwadeen sare oo ka tirsan maamulka dekadaha dalka ee KPA sidoo kalena ah agaasimaha machadka anshaxa iyo bariga Afrika.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa qoraal ku sheegay in mas’uulkan shalay la qabtay oo maanta la maxkamadeyn doono.
Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ah in isagoo xafiis dowladeed ka howlgalo uu dantiisa gaarka ah ka horumariyay midda guud ee bulshada.
EACC ayaa sheegtay in shaqaalaha dowladda laga doonayo inay iska ilaaliyaan habdhaqamada ay iyaga si gaar ah uga macaashayaan marka loo barbardhigo danta dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu guddigu howlwadeennada u shaqeeya dowladda uga digay inay xilalkooda lagu aaminay u adeegsadaan inay faa’iidooyin u gaar ah ka helaan ama kuwo ay shakhsiyaad kale ugu daneynayaan.
Xafiiska dacwad oogidda dalka ee ODPP ayaa EACC ku waafaqay in dacwad lagu soo oogo Mr. Okhako maadaama uu baal maray xeerarka dastuuriga ee dhigaya in danaha khaaska ee qofka shaqaalaha iyo bulshada uu u adeego aynan isku milmi karin.