Ka dib markii xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo Qeybta Puntland, ayaa waxaana dilkaas ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland ayaa waxaa marka hore loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo Saaxiibadii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan, iyadoo alle looga baryay in uu Janadii Fardwso ka waraabiyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faray Hay’adah Amniga Gobolka Muudg inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka wariyaha si cadaaladda loo horkeeno.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Alle ha u naxariistee Wariye Jamaal uu ahaa weriye ruug caddaa ah oo wadanka Soomaaliya kasoo shaqeeyey muddo dheer, sidoo kale uu ka mid ahaa wariyeyaashii tirada yaraa ee kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, isagoo tebinayay Shirarkii lagu dhisay Maamulka Puntland, waayadan dambena uu waday baraarujin dadweyne oo uu dadka ku wacyi-gelinaayey in meel looga soo wada-jeesto argagixisada iyo cidkasta oo dhibaato wada.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa si adag u cambaaraynayaa falkaasi wuxuushnimada ah ee lagu diley marxuumka, wuxuuna farayaa laamaha Amniga gobolka Mudug in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo kuwii falkaas geystay.