Madaxweynaha Soomaaliya oo shir isugu yeeray maamulada iyo gobolka Banaadir

0
427

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu markale shir isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka oo hal maalin soconaya ayaa waxaa uu ka qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaasoo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.
Ugu dambeyn War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad wayn siinayso hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.
15-kii Bishii febaraayo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu iclaamiyay inay shir isugu yimaadaan Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir, hayeeshee shirkaasi uu baaqday, kadib markii ay baaqaas u hoggaansami waayeen Madaxweynayaashas Puntland & Jubbaland.
Shirkaan uu Madaxweyne Farmajao ku baaqay ayaa wuxuu ku soo aadayaa ayadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Galinkii danbe ee shalay la qaatay Madaxda Midowga Musharaxiinta kulan dhammeystir u ahaa heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ay magacaabeen labo guddi oo dhaqan-gelinay qodobbadii horey la isula qaatay.
Eng. Rooble Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdaan muhiimka u ah dowladnimada dalka, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad ee wadanka ka jira.
Labada Guddi ee isku dhafka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood inay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;
1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xasan Xundubay Jimcaale
2.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3.Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4.Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5.Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6.Musharrax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;
1.S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2.Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3.S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4.S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5.G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6.Xuseen Macalin Maxamuud