Ismaamulka Lamu oo sabarloogo siinaya 36,000 oo qoysas ah

0
603

Barasaabka ismaamulka Lamu Fahim Twaha ayaa sheegay inay diyaar yihiin sabarloogooyin gaaraya 36,000 oo loogu talagalay qoysaska aan dokumeentigan haysan.
Waxaa uu sheegay in dowladda hoose ee Lamu iyo midda dhexe ay ka wada shaqeynayaan sidii arrintan loo dardargelin lahaa.
Guddoomiyaha ayaa xusay in sabarloogooyinkan laga bixin doono deegaannada .
Horrantii bishii hore ayay ahayd markii maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu billaabay qorsho lagu bixinaya hal milyan oo ah warqadaha lahaanshaha dhulalka.
Dhanka kale in ka badan 33,000 oo haween ah oo ku nool ismaamulka Lamu ayaa ka faa’iidaystay barnaamijyo caafimaad oo ay iska kaashadeen shirkadda Safaricom Foundation, dowladda Lamu iyo shirkadda PharmAccess.