Ruto oo ballanqaaday inuu joojin doono howlgallada guriyaha lagu burburiyo

0
310

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo kenyaanka u soo bandhigay qorshihiisa hoggaamineed ayaa ballanqaaday in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto hoggaanka wadanka uu meesha ka saari doono howlgallada ay dowladdu ku burburiso guriyaha iyo goobaha ganacsi ee laga dhiso meelaha aan ku habbooneyn.
Waxaa uu sheegay in howlgalladan horay loo fuliyay si aan baniaadannimo ahayn sidoo kalena liddi ku ah dastuurka wadanka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in dhacdooyinkii hore ee noocani ahaa aynan mar kale gudaha wadanka ka dhicin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay howlgal ay dowladdu sanadkii 2020-kii ka sameysay xaafadda Kariobangi ee magaalada Nairobi.
Musharraxa madaxweyne ee Kenya Kwanza ayaa carrabka ku dhuftay in haddii uu madaxweyne noqdo xita dadka deggan ama ku ganacsada meelaha sharci darrada ah la siin doono muddo ku filan oo ay uga wareegi karaan.
William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu xoogga saari doono ilaalinta sharciga iyo tixgelinta xuquuqul aadanaha.