Dibadbaxayayaal ayaa lagu soo warramayaa in iyagoo awood adeegsanaya ay gudaha u galeen dhisme dowladeed oo ku yaala caasimadda dalka Armenia ee Yerevan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyada oo ay jirto xiisad siyaasadeed oo qoto dheer taas oo ka dhalatay sida ra’iisul wasaaraha dalkaasi Nikol Pashinyan uu u maareeyay khilaafkii kala dhexeyay dowladda Azerbaijan ee gobolka Nagorno-Karabakh ee sanadkii hore.
Dibadbaxayaasha galay dhismaha ku yaala magaalada Yerevan ayaa dalbanaya iscasilaadda ra’iisul wasaraha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ruushka.
Nikol Pashinyan ayaa isbuucii la soo dhaafay cambaareeyay waxa uu ku sheegay isku day afgambi ka dib markii ciidanku ka dalbadeen inuu shaqada ka joogo iyadoo tani loo aaneynaya in ay qayb ka tahay dhaliisha loo jeedinaya dowladda Armenia ee ah in aynan sida habboon u maareyn arrimaha la xariira isku dhacii dhiiga ku daatay ee gobolka Nagorno-Karabakh.