DHAGEYSO:Nin waxyaabaha maanka dooriya isticmaalay oo masjid Muqdisho ku yaala toorey ku weeraray

0
841

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in nin waxyaabaha Maanka Dooriya isticmaalay uu weeraray dad Jameeco ah oo ku tukanayay Xalay Masjid ku yaalay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah shacabka gaar ahaan Jameecadii ku sugnaa Masjidka la weeraray ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadlay waxaayna sheegeen in dhacdooyinka noocaan ah ay soo noqnoqdeen ayagoo laamaha amaanka ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada jirta.