Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party, George Wajackoyah ayaa sheegay in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto hoggaanka wadanka, maamulkiisa uu hooyooyinka xilliga umusha siin doono fasax ah 12 bilood.
Xeerka shaqaaleysiinta dalka ayaa dhigaya in haweeneyda la fasaxo saddex bilood si ay ugu soo umul baxdo halka aabaha uu xaq u leeyahay labo toddobaad iyadoo mushaarkooda uu u soconaya.
Hasa ahaate Wajackoyah ayaa ballanqaaday inuu xeerkan isbeddel ku sameyn doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haweeneyda marka ay uur tahay 9 bilood ay fasax ku jirayso iyo saddex bilood oo dhalmada ka dib ah.
Musharraxa waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu arrintan la kaashan doono khuburro ka soo jeeda Canada oo uu xusay in dumarka ay aad u qiimeeyaan maadaama hooyooyinka uurka leh loo oggolyahay inay fasax umuleed qaataan 12 bilood ama 18 bilood.
George Wajackoyah ayaa sheegay in arrimaha haweenka ay yihiin kuwo aad ugu wayn qalbigiisa isagoo wacad ku maray haddii la doorto inuu danahooda ilaalin doono.
Waxaa uu qorshuhu yahay in George Wajackoyah uu 2-da bisha Toddobaad ee sanadkan Kenyaanka u soo bandhigo qorshihiisa hoggaamineed oo ka kooban 12 qodob.