IEBC oo sheegtay inaysan lahayn awood ay ugu yeerto musharraxiinta

0
436

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa maanta kulan la qaatay 4-ta musharrax ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartami doono xilka madaxtinnimo.
Guddoomiyaha IEBC ,Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddi ahaan aynan awood u lahayn inay u yeeraan musharraxiinta lagu tuhmo habdhaqan xumo.
Tani ayuu u aaneeyay go’aan horay uga soo baxay maxkamadda.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in wixii cabasho oo la xiriirta habdhaqanka musharraxiinta ay u gudbinayaan xafiiska waaxda dacwad oogidda wadanka ee ODPP.
Chebukati ayaa kulanka maanta u adeegsaday inuu siyaasiyiinta ugu baaqo inay ololahooda si nabad ah u sameyaan.
Waxaa uu shakhsiyaadka xilal doonka ah u sheegay inay tartamayaan keliya oo aynan cadowtinnimo ka dhexeyn.
Guddoomiyaha IEBC ayaa musharraxiinta ka codsaday inay ku dayasho wanaagsan u noqdaan shacabka oo aynan wadanka dhibaatooyin amni u horseedin.
Baaqa Chebukati ayaa yimid ka dib markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay iskaga baxeen shirka IEBC ka dib markii uu halkaasi gaaray madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Martha Karua ayaa ka cudur daaratay inaysan goobta ku sii sugnaan karin maadaama ay u degdegayaan arrimo kale oo muhiim ah .
Afhayeenka ololaha madaxweyne ee Raila Odinga , Prof.Makau Mutua ayaa guddiga IEBC ka codsaday inuu muddo kooban musharraxiinta uga soo jawaabo tabashooyinka ay qaab qoraal ah ku muujiyaan.