Xoghayaha IGAD oo baaq u diray dowladaha Itoobiya iyo Suudaan

0
349

Bayaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay in xoghayaha fulinta ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu, uu walaac ka muujinaya xiisado ka soo cusboonaaday xadka ay wadagaan waddamada dariska ee Itoobiya iyo Suudaan.
Labada dowladood ayuu ku boorriyay inay aad isu xakameeyaan oo ay ku dadalaan xasiloonida.
Waxaa uu ku taliyay in xiisadda la dejiyo oona laga fogaado tallaabooyinka sii hurin karo.
Xoghayaha fulinta ee IGAD ayaa dowladaha Itoobiya iyo Suudaan ka codsaday inay raadiyaan qaab dibloomaasiyadeed oo ay ku xallin karaan khilaafkooda.
Baaqa IGAD ayaa imaanaya iyadoo ciidamada qalabka sida ee Suudaan lagu soo warramaya inay hub culus u adeegsadeen gobolka bari ee lagu muransan yahay ee xiga dhanka Itoobiya ee al-Fashaqa sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya.