Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay oo su’aalo weydiisay mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Nakuru David Gikaria.
Maanta ayaa xildhibaanka laga wareystay falal amni darro oo ka dhacay deegaan baarlamaneedka uu matalo.
Mr. Gikaria ayaa farriin ka qoray xarunta dambi baarista ee Nakuru .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la weydiiyay inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda burcadda ee la magacbaxday ‘Confirm’ ee dhibaatooyinka u gaysta dadweynaha Nakuru.
Today, @DCI_Kenya Detectives based in Nakuru arrested the Hon. David Gikaria Wairimo, the MP for Nakuru Town East Constituency, for the offence of conspiring to defraud contrary to section 317 of the Penal Code. The MP will also be charged with the offence of forcible detainer. pic.twitter.com/eMVe01NPib
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) January 28, 2019
Labo toddobaad gudahooda ayaa waxaa ismaamulkaasi lagu dilay shan haween ah.
Isku duwaha ammaanka ee dowladda dhexe ku matalo gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa ka hadlay baaritaannada socdo ee dilalka ku aaddan .
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgallada amni iyo waxyaabaha ay ciidamada ammaanka ilaa iyo hadda ku guulaysteen oo ay ka mid tahay in la xiray 128 eedeysanayaal ah.
Macallin Maxamad ayaa dhanka kale farriin adag u diray kooxaha burcadda isagoo carrabka ku adkeeyay in howlgallada ka dhanka ah la sii wadi doono .
Waxaa uu intaasi ku daray in qofkii lagu helo mindi ama baangad ay la mid tahay qof sita nooca qoriga ee loo yaqaano AK47 sidaas awgeedna tallaabo adag laga qaadi doono.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxaha burcadda ee shacabka Nakuru kula kaco dhibaatooyinka ay ka midka yihiin dilalka , dhaca hantiyadeed iyo faraxumenta haweenka.