Ruto oo qorshihiisa soo bandhigaya Khamiista

0
329

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga (UDA) ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu qorshihiisa shaaciyo 30-ka bishan ee Khamiista ku beegan.
Waxaa uu fagaaraha Kasarani Stadium ee magaalada Nairobi Kenyaanka kula wadaagi doonaa waxyaabaha uu doonayo inuu u qabto hadii uu 9-ka bisha Siddeedaad hoggaanka dalka ku guulaysto.
Ruto iyo xulafadiisa Kenya Kwanza ayaa ololahooda siyaasadeed ku saleynaya kobcinta dhaqaale iyadoo meel hoose laga soo billaabaya.
Raila Odinga oo uu tartan adag kala dhexeyo Ruto ayaa maalmo ka hor soo bandhigay qorshihiisa oo ka koobnaa 10 qodob.