Wasiiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya senatar Cismaan Abukar Dubbe ayaa musiibo ku tilmaamay xaaladda uu ku soo arkay degmada Xudur ee Gobolka Bakool ee uu boqday.
Waxaa uu sheegay in hadii aan si degdeg ah wax looga qaban xaaladda abaareed ee ka taagan Xudur, dadka ay halis ugu jiraan in ay gaajadda disho.
Wasiirka ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay degmada Xudur 12 sano go’doomiyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in xaalad laga argagaxo ay halkaasi ka jirto.
Magaaladaan oo ah goob ay go’doomiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka jirta xaaladda bani’aadanimo oo daran.
Sidoo kale waxaa magaalada soo gaaraya dad ka yimid baadiyaha ku hareereysan Xudur, kuwaas oo ay abaar ku dhuftay.