Mareykanka: In ka badan 40 muhaajiriin ah oo meydadkooda laga dhex helay gaari xamuul ah

0
415

Maamulka magaalada San Antonio ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 46 qof oo muhaajiriin ah meydadkooda laga dhex helay gaari nooca xamuulka qaada ah.
Waaxda dab damiska ee magaalada San Antonio ayaa sheegtay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 carruur ah loola cararay xarumaha caafimaadka.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof xabsiga loo taxaabay ka dib dhacdadan.
Dadkii ka badbaaday dhacdadan ayaa waxaa aad u kululaa jirkooda waxaana ka muuqday daal badan.
Gaariga xamuulka ah ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareennada ee meelaha fog ee duleedka koonfureed ee magaalada San Antonio oo u dhow xuduudda dalka Mexico.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa sheegay in qunsulka dalkaasi uu ku sii jeedo goobta dhacdadan laga soo tabiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka dhintay aan wali la aqoonsan dalalka ay u kala dhasheen.
Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah shilalki ugu dhimashada badnaa ee dhawaanahan laga soo tabiya xadka u dhexeya dowladaha Mareykanka iyo Mexico.
Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray tiro badan oo muhaajiriin ah oo ka gudbayay xadka Mareykanka iyo Mexico, taasi oo dhalisay in dhaliilo loo jeediyo siyaasadda socdaalka ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.