Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Bari ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay dadka degan ay ka cabanayeen amni darro.
Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada qeybta Bari iyo Maamullada degmooyinka ayaa Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iyaga oo kusoo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shakhsiyaad Amni darro lagu eedeyay.
Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay Sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qayb ka yahay.
Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmad Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyayaasha ayaa dhankiisa ugu baaqay Waalidiinta Ciyaal weerada ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan haddii kale tallaabo laga qaadi doono.
Saddexda degmo ee Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa kamid ah degmooyinka Bilihii la soo dhaafay ay kajireen dhaca teefoonada iyo dhibaatooyinka ay geeysanayaan Ciyaal weerada.