Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay inuu jiro qorsho shakhsiyaadka bartay kalkaalisannimada ee aan weli shaqo helin loogu diraya waddamada Talyaaniga iyo Kuwait.
Waxaa uu xusay in hadda la gabagabeynayo shaqaaleysiin ka socoto Ingiriiska ka hor inta aan loo gudbin dalalka kale.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 70 kalkaaliyeyaal oo kenyaan ah ay bilaha soo socdo aadaan UK ka dib heshiisyo ay gaareen labada dowladood.
Bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii Kenya iyo Ingiriiska ay heshiis wada saxiixdeen.
Is-afgaradka ayaa dhigaya in Kenya ay 20,000 oo kalkaaliyeyaal ah u dirto Britain si ay uga howlgalaan isbitaallada halkaasi ku yaalla .
Mutahi Kagwe ayaa shalay goob joog u ahaa munaasabad 13 kalkaaliyeyaal ah ay ugu guulaysteen imtixaan laga qaaday waxayna howlwadeennadan ka soo jeedaan ismaamullada Vihiga Kirinyaga ,Busia, Kisii, Murang’a, Marsabit, Nakuru, Uasin Gishu, Nyamira, Migori iyo Siaya .