Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaciyay in shakhsiyaadka doonaya in la howlgeliyo si ay wax u baraan ardayda gobolka waqooyi bari ay haystaan ilaa 7-da bisha Toddobaad ee July oo ay codsiyadooda ku soo gudbin karaan.
Shalay ayay ahayd markii guddigu uu sheegay inuu ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ka shaqaaleysiinaya 844 oo macallimiin ah.
764 oo ka mid ah tiradan ayaa la geyn doonaa dugsiyada hoose dhexe halka 80 loogu talagalay dugsiyada sare ee gobolka.
TSC ayaa hoosta ka xarriiqday in barayaashan si buuxda loo howlgelinaya.
Waxaa sidoo kale jiro 386 oo ah barayaal ku shaqeyn doono qaab qandaraas ah.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ugu jirto xal u helidda gaabadka dhanka tirada barayaasha ee wadanka gaar ahaan gobolka waqooyi bari oo kuwa aan u dhalan ay inta badan ka soo tagaan marka ay dhacaan weerarrada argagixiso.