Musharraxa xilka barasaabnimo ee ismaamulka Nairobi kana tirsan isbeheysiga Azimio La Umoja , Polycarp Igathe ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu raaligelin uga bixiyay hadal uu dhawaan jeediyay kaasoo ay qoonsatay bulshada soomaaliyeed ee wadanka ku nool.
Waxaa uu sheegay in hadalkiisa uu ula jeeday in shacabka ku nool Nairobi ay si siman u qaybsadaan adeegyada iyo fursadaha.
Igathe ayaa xusay in hadalkiisi loo dhigay si uunan ugu talagelin oo xad ka bax ah.
Polycarp Igathe ayaa xilli uu kulan la qaadanayay ururka shirkadaha gaarka ah ee (KEPSA) sheegay in wakiillada ismaamulka Nairobi ay la haystayaal u yihiin koox ay hoggaamiyaan saddex ganacsata oo soomaali ah.
Hasa ahaate waxaa uu maanta qoraal ku sheegay in hadaladiisa mustaqbalka ay noqon doonaan kuwo laga dheehan doono xushmadda uu u hayo soomaalida oo uunan farfiiq kula kici doonin.
Hadalkii Igathe ayaa si wayn looga falceliyay waxaana dadkii dhaliilay ka mid ahaa xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.
OFFICIAL PRESS STATEMENT! pic.twitter.com/fPuXyvqq81
— Polycarp Igathe (@polyigathe) June 26, 2022