Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay 27 xubnood oo ka tirsan koox dhibaatooyin u gaysata dadweynaha dowlad deegaankaasi iyo deegaannada ku xeeran.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu soo qabtay labo howlgal oo kala duwan.
Saraakiisha ammaanka ayaa howlgalka koobaad ku soo xiray 5 halka 22-ka kale gacanta lagu dhigay howlgalkii labaad.
Wax yar un ka dib markii ay weerar ka gaysteen aagga loo yaqaano Jasho ee galbeedka Nakuru ayay ciidamada ammaanka ee ka howlgalo saldhigga booliska ee Rhonda qabteen Moses Njoe,Thomas Nguruna, Evans Napati, Sammy Sunguya iyo Emmanuel Tein oo ay da’doodu u dhexeyso 19 ilaa 23 sano.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa laga soo xigtay in intii howlgalkaasi uu socday ay ciidamada ammaanka heleen waxyaabo ay baangado ka mid yihiin oo ay shakhsiyaadkan u adeegsanayeen falalka dhaca.
Sidoo kale waxaa halkaasi laga helay leemaanka talefoonnada iyo dokumeentiyo ay leeyihiin qaar ka mid ah dadkii horay dhaca loo gaystay.
Iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa dhankiisa wacad ku maray inay sii wadayaan howlgallada lagu cirib tirayo kooxaha falalka amni darrada ah ka fuliya bariga Nakuru iyo deegaanka Bahati.
Digniinta mas’uulkan ayaa timid ka dib markii haweeney dhac loo gaystay sidoo kalena la kufsaday.
Iskuduwaha ammaanka ee Rift Valley Macallin Maxamad ayaa guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nakuru , ku xigeenadiisa iyo dhammaan saraakiisha halkaasi ka shaqeeya amar ku siiyay inay howlgal ballaaran sameyaan oo ay muddo 12 saacadood gudahooda ah ugu soo gudbiyaan warbixin wax ku ool ah.
Arrimahan ayaa imaanaya ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiangi xilli uu ku sugnaa Kisii uu sheegay inay qasab tahay in la burburiyo kooxda burcadda ee la magacbaxday’Confirm’ oo muddo sanado ah dhibaatooyin isugu jiro dhac hantiyadeed , dilal iyo faraxumeyn ku haya shacabka Nakuru.