Maamulka isgaarsiinta oo hawada ka saaray in ka badan 120,000 oo ah leemanka taleefoonka

0
634

Maamulka isgaarsiinta dalka ayaa kuwo aan shaqeynayn ka dhigay ugu yaraan 124,000 oo ah leemanka lagu isticmaalo taleefoonnada gacanta.
Tallaabadan ayaa ah mid lagula tacaalayo adeegsiga leemanka aan sida sharciga ah u diiwaan gashanayn oo lagu fuliyo falal dambiyeedyada.
Maamulka isgaarsiinta wadanka ayaa shirkadaha isgaarsiinta ka doonaya inay haystaan diiwaanka ugu dambeeya ee macluumaadka macaamiishooda sida uu qabo xeer la soo saaray sanadkii 2015.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo macaamiisha ay haystaan ilaa 15-ka bisha Tobnaad ee sanadkan si ay u cusbooneysiiyaan xogahooda dhanka isgaarsiinta.