Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haysto xog muujinaysa in rasaastii ku dhacday suxufiyadii warbaahinta Aljazeera Shireen Abu Akleh ay ahayd mid ay soo tuureen ciidamada Israa’iil.
Dilkan ayaa 11-kii bishii Shanaad ee sanadkan ka dhacay waqooyiga magaalada Jenin ee daanta galbeed, dalka Falastiin.
Afhayeenka xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee xuquuqul aadanaha Ravina Shamdasani ayaa arrintan ka sheegtay shir ay wariyaasha ugu qabatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Waxay hoosta ka xarriiqday in macluumaadka ay heleen ay caddeynayaan in kooxaha hubeysan ee Falastiin aynan ka ag dhaweeyen halkii Shireen lagu toogtay.
Tani ayaa beeninaysa warbixin ay horay u soo saartay Israa’iil oo ahayd in suxufiyadda ay madaxa uga dhacday rasaas la is weydaarsanayay.
Dilka Shireen Abu Akleh ayaa si wayn looga falceliyay iyadoo gudaha Falastiin ay dibadbaxyo ka dhaceen.
Wariyaha ayaa la toogtay xilli ay tabinaysay howlgallo militari oo ay Israa’iil ka wado gudaha Falastiin waxaana lagu tilmaami jiray inay ahayd codka Falastiiniyiinta maadaama ay inta badan ka warrami jirtay dhibaatooyinka haysta.