SAWIRRO:Shir haatan xarunta KICC uga socda golaha isbeheysiga Azimio-One Kenya

0
307

Waxaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi haatan ka socda kulanka labaad ee golaha isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa shir guddoominaya kulankan, iyadoo uu maqan yahay guddoomiyaha isbeheysigan ahna madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo dalka Rwanda uga qayb galaya shirka 26-aad ee hoggaamiyaasha waddamada barwaaqa sooranka ee loo yaqaano Commonwealth (CHOGM).
Shirkan ayaa ah midkii labaad ee uu goluhu yeelanaya tan iyo markii la soo dhisay, iyadoona uu kulankan isugu yeeray hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Uhuru Kenyatta.
21-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka uu shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee golaha isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya.
Iyadoo 45 cisho ay inaga xigta xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa xubnaha isbeheysigan dib u eegis ku sameynayaan istiraatiijiyad suurtagelinaysa in ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya uu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka.
Sidoo kale, ajandayaasha ugu sarreeya kulanka maanta diiradda lagu saaraya waxaa ka mid ah , si loo xaqiijiyo in isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya uu ku guulaysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka dalka iyo dhammaan golaha wakiillada ee 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Xubnaha kulankan ka qayb galaya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, hoggaamiyaha xisbiga Narc-Kenya ahna ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Martha Karua, guddoomiyaha KANU Gideon Moi, hoggaamiyaha xisbiga NARC Charity Ngilu, hoggaamiyaha xisbiga DAP-K Wafula Wamunyinyi, barasaabka dowlad deegaanka Mombasa Cali Xasan Joho, wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Chege, mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo mas’uuliyiin kale.