Xoghayaha guud ee xisbiga ODM,Edwin Sifuna oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegay in ololahooda siyaasadeed uu yahay mid nabad ku saleysan.
Waxaa uu garabka siyaasadeed ee Kenya Kwanza ku eedeyay inay abaabulaan rabshado si ay eedda dusha uga saaraan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay rabshado maalmo ka hor fagaaraha Jacaranda ee magaalada Nairobi ku dhex maray taageerayaasha labada dhinac.
Edwin Sifuna ayaa ku celceliyay inaysan jirin sabab ay rabshad u adeegsadaan iyadoo warbixinnada darasaadka ay muujinayaan in Raila uu Ruto uga horreeyo dhinaca taageerada siyaasadeed ee dadweynaha.
Xoghayaha ayaa dhanka kale taageerayaashooda ugu baaqay inaysan ka qayb gelin isku soo baxyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan si haddii ay dhibaato dhacdo aan loogu eedeyn inay ka dambeeyeen falkaasi.