Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeedyo gaaraya 10 oo looga soo gudbiyay baarlamaanka.
Waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka qoondeynta miisaaniyadda, isbeddel lagu sameeyay waaxda taraafikada , isbeddelka sanduuqa horumarinta ee dowladda dhexe , isbeddelka xeerarka maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ,hindisaha lacagaha ay dowladda dhexe u qoondeyso ismaamullada, caafimaadka maskaxeed iyo midka maaliyadeed ee sanadkan 2022-ka.
Hindisaha qoondeynta miisaaniyad dheeraad ah ee Supplementary Appropriation Bill of 2022 ayaa dowladda u suurtagelinaya inay adeegyada dadweynaha ku bixiso lacag dhan 88.8 bilyan oo shilin.
Waxaa dhaqaalahan qayb ka ah sanduuqa xasilinta qiimaha shidaalka oo uu baarlamaanka ugu talagalay lacag gaaraysa 49.2 bilyan.
Sidoo kale miisaaniyadda dheeraadka ah ayaa loo adeegsan doona ka falcelinta saameynta abaarta sida qaybinta cunnada gargaarka ah iyo qiimaha bacriminta oo la dhimayo .
Bixinta qarashaadka la xiriira dhisidda waddooyinka ayuu baarlamaanka u qoondeeyay 26.7 bilyan oo shilin halka barnaamijka badbaadinta bulshada iyo la tacaalidda gaajada loogu talagalay 1.5 bilyan oo shilin.
Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa loo qoondeeyay 2.1 bilyan oo shilin si uu ugu bixiyo musharaadka iyo qarashaadka kale ee howlaha uu dalka u hayo.
Lacag dhan 1.37 bilyan ayaa loogu talagalay in lagu wanaajiyo kaabayaasha waxbarasho ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Marka laga soo tago xeerarkan uu madaxweynaha dalka saxiixay waxaa uu diiday saddex sidoo kale uu soo gudbiyay golaha qaran ee xeer dejinta waxaana ka mid ah midka ICT-da,diiwaangelinta aqoonyahaannada caymiska iyo kan amaahda tacliinta sare oo uu dhammaan dib ugu celiyay baarlamaanka.
Waxaa hindise sharciyeedyadan madaxweynaha u bandhigay ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Njee Muturi waxaana goobjoog u ahaa madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee wadanka Joseph Kinyua.
1/3
President Uhuru Kenyatta on Tuesday signed into law ten (10) parliamentary bills among them the 2022 Appropriation Bill, Supplementary Appropriation Bill and Finance Bill.Read more: https://t.co/0tQ9rI0l8j pic.twitter.com/bFRC1WLkLC
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 21, 2022
3/3
At the same time, President Kenyatta declined 3 parliamentary bills among them the Information Communication Technology Practitioners Bill; Insurance Professionals Registration Bill of 2020; and Higher Education Loans Bill of 2020, all sent back to Parliament with memoranda.— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 21, 2022