Dowladda oo maanta billaabaysa raadinta ardayda aan weli dugsiyada ku laaban

0
676

Saraakiisha dowladda dhexe ayaa lagu wadaa inay maanta guda galaan howlgallo lagu raadinaya ardayda guriyaha ku sugan ee aan weli dib ugu laaban goobaha waxbarashada.
Isniintii hore ayay ahayd markii dib loo furay dhammaan dugsiyada dalka oo la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sanadkii hore xilligaas oo gudaha Kenya laga xaqiijiyay xaaladdii ugu horreysay ee caabuqa corona.
12-kii bishii Tobnaad ee 2020-kii ayay ardayda dhigta fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare dib u billowdeen waxbarashadooda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ku amray inay guriyaha tagaan oo ay xaqiijiyaan in arday kasta uu dugsiga iska xaadiriyay.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa horay waalidiinta u qabatay ilaa Jimcihii la soo dhaafay si ay carruurtooda u geeyaan goobaha waxbarashada.
Howlgalka arrinkan ku aaddan ee maanta billaabanaya waxaa shaaca ka qaaday xoghayaha sare ee wasaaradda tacliinta u qaabilsan dhanka maamulka , Zack Kinuthia.
Waxaa uu intaasi ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono waalidka ama qofka canugga mas’uulka ka ah ee aan ku guulaysan inuu u diro goobta waxbarasho.