DHAGEYSO:William Ruto oo dhaliilay hadal uu jeediyay madaxweynaha

0
813

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhaliilay hadal dhawaan ka soo yeeray hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta oo ahaa inuu qabo fikir ah in talada wadanka ay la wareegto qowmiyad aan ahayn labada hoggaaminaysay tani iyo xurnimadii.
Waxaa uu Ruto carrabka ku adkeeyay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyihii ka horreeyay ee Mwai Kibaki uu labaduba taageeray.
Siyaasigan ayaa xusay inuusan labadan mas’uul garab siin isagoo eegaya qowmiyadda ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan balse qorshayaashooda horumarineed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu ka qayb galay aaska hooyada madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi sheegay inaysan waxbo ka jirin in isaga iyo Raila ay xoogga saarayaan sidii mar walbo uu wadanka ku hoggaamin lahaa mas’uul dhanka siyaasadda magac ku leh.
Hasa ahaate ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in laga wada hadlo awood siinta dhallinyarada shaqo la’aanta ah oo aan xilligan lagu mashquulin qowmiyadee qabanaysa hoggaanka Kenya.


William Ruto ayaa ka mid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya inay 2022-ka noqdaan madaxweynaha dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu wadanku ka jiro qorshaha sharci beddelka ee BBI oo waxyaabaha la rumeysan yahay inuu xallin doono ay ka mid tahay qabyaaladda siyaasad ahaan lagu kala qaybsamo.