Raila Odinga oo caan ka ah gudaha Nairobi

0
388

Shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa ra’yi uruurin cusub oo ay sameysay ku ogaatay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya ,Raila Odinga uu yahay musharraxa ugu caansan ee gudaha caasimadda wadanka .
Mr. Odinga ayaa shacabka Nairobi ka haysta taageero dhan boqolkiiba 50.
TIFA ayaa warbixinteeda ku sheegtay in madaxweyne ku xigeenka dalka ahna hoggaamiyaha UDA William Ruto ay taageeradiisa dadweynaha Nairobi tahay 25 boqolkiiba.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party ,George Wajackoyah ayaa isna haysta taageero dhan boqolkiiba 7 halka nambarka afaraad uu soo galay David Waihiga oo matalaya xisbiga Agano oo ay taageerayaan boqolkiiba hal ee dadweynaha.
TIFA ayaa sheegtay inay cilmi baarista ku wareysatay 632 qof oo ku sugan 17-ka deegaan baarlamaneed ee ismaamulka Nairobi.
Warbixinta waxay muujinaysa in taageerada siyaasadeed ee Raila Odinga ay korortay maadaama ay bishii hore ahayd boqolkiiba 41 halka midda Ruto oo bil ka hor lagu sheegay boqolkiiba 26 ay hoos u dhacday.
Dhanka xisbiyada waxay TIFA sheegaysa in ODM iyo isbeheysiga Azimio La Umoja ay ka caansan yihiin UDA iyo dalladda Kenya Kwanza .
Isbeheysiga Azimio ayaa waxaa la dhacsan boqolkiiba 46 ee dadweynaha Nairobi halka Kenya Kwanza ay tahay boqolkiiba 24 .
Raila iyo Ruto ayaa ah musharraxiinta ugu cadcad ee madaxtinnimada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu gaashaanka u daruuray natiijada darasaadka ay soo saaraan shirkadaha cilmi baarista oo uu ku tilmaamay mid aan xaqiiqada jirta ka turjumeyn.