DHAGEYSO:William Ruto oo ballanqaaday inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa

0
333

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay ururrada bulshada ayaa sheegay in caqabadda ugu wayn ee aynan dowladda Kenya ilaa iyo hadda ugu guulaysan wax ka qabashada falalka musumaasuqa ay tahay in arrintan la siyaasadeeyay.
Waxaa uu Ruto xusay in la dagaalanka musuqa laga dhigay bartilmaameedsi shakhsiyadeed.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa intaasi ku daray in hay’adaha qaabilsan la tacaalidda arrinta ay yihiin kuwo awoodooda la wiiqaya.
Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidna aan laga cafin la dagaalanka falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha oo xita haddii uu madaxweynaha wadanka ku lug lahaado ay tahay in lagula xisaabtamo.
Waxaa uu sheegay in haddii hoggaanka wadanka uu qabto , maamulkiisa uu la tacaali doono musuqmaasuqa .
Ballanqaadyada uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu sanduuqa waaxda garsoorka ee Judiciary Fund ka dhigaya mid shaqeynaya si waaxda cadaaladda ay dhaqaale ahaan uga madax bannaanaato dowladda oo ay waajibaadkeeda u gudato si aan eexasho lahayn.
Ururrada bulshada ayuu sheegay inay door muhiim ah ka qaataan arrimaha horumarka ,midnimada iyo dib u heshiisiinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii hoggaanka dalka uu la wareego, maamulkiisa iyo ururrada rayidka ay iska kaashan doonaan si dowladda dabagal loogu sameeyo oo lagula xisaabtamo.
Sidoo kale waxaa uu kooxahan kula taliyay inay sare u qaadaan ololahooda oo ay xeerar xal ah u soo bandhigaan dowladda iyo waaxyaha gaarka ah.
William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu awoodsiin u sameyn doono maamullada la dagaallamo musuqmaasuqa.