Howlaha ismaamulka Marsabit oo lacag la’aan awgeed la hakin karo

0
269

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa walaac ka muujiyay caqabad dhaqaale oo haysata dowlad deegaannada.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Embu Martin Wambora ayaa sheegay in dowladda ismaamulka Marsabit aynan haysan miisaaniyad ay ku sii shaqeyn karto sidaas awgeedna ay qarka u saaran tahay inay howlaheeda hakiso.
Waxaa ay mas’uuliyiinta dowladda dhexe ka dalbadeen inay si degdeg ah u soo saarto lacag dhan 1.9 bilyan oo wasaaradda miisaaniyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka aynan weli ku wareejin ismaamulka Marsabit.
Mr. Wambora ayaa intaasi ku daray in dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay aynan dowladda dhexe weli ka helin lacagihii bishan June oo gaaraya ilaa 29.6 bilyan oo shilin.